Waa muhiim inaad adeegsato farsamada saxda ah, haddii aad qaadaneyso insulin ama GLP-1. Farsamadu waa isku mid, noocaad doonto oo sokorow/macaan ahba ha ku haayee.
Suurtogalnimada in daawadaadu u shaqeyso, sida laga rabo, waa tan ugu weyn, haddii aad raacdo tilmaamaha hagitaankan. Akhri oo raac mar walba tilmaamaha waraaqda cusbitaalka laguugu seexiyey ee ku saabsan keydinta iyo maareynta daawada.
Sidan ayaad uqaadaneysaa daawadaada
Maalmaha caadiga ah uma baahnid inaad jirka ku buufiso (wax jeermi dile ah), inta aadan qaadanin insulin ama GLP-1. Haddiise lagu dhigo cusbitaal, waxaa laguugula talinayaa inaad jirka ku buufiso (wax jeermi dile ah) marka hore .
Diyaarinta
- Dooro cirbad 4 ama 5 millimeter ah. Isticmaal cirbad cusub maalin kasta.
- Ku dhuuji cirbadda qalinka. Ka saar daboolka kore iyo midka gudaha.
- Tijaabi qalinka: U hagaaji qalinka 2 nooc ama unug. Qalinka u qabo si toosan iyadoo cirbaddu kor jirto kadibna hoosta ka riix tubada. Marka aad aragto, in dhibic ka soo baxday cirbadda fiinteeda, qalinku waa u diyaar in la isticmaalo. Haddii aadan arkin dhibic ka soo baxda cirbadda fiinteeda, ku celi tijaabada qalinka. Qalinka insulinta leh waa in la tijaabiyaa mar walba, balse qalinka GLP-1 kaliya waxa la tijaabiyaa marka ugu horeysa.
- Hadda qalinka ku hagaaji qadarka daawada la qorsheeyey.
Duritaanka
- Ku mud iyadoo xagal toosan (90 graado) maqaarka fidsan. Qalinka ha ugu riixin maqaarka si adag , si haraga aysan uga soo bixin meel diisan.
- Hoosta ka riix tubada. Si aad u hubiso, inaad heysato dhammaan qadarka daawada aad qorsheysatay, waa inaad hoos ka heysaa tubada oo aad si tartiib ah u tirisaa ilaa ugu yaraa 6, inta aadan cirbadda ka soo saarin .
3. Kaadib cirbadda ayaa laga soo saarayaa qalinka waxaana lagu ridaayaa sanduuqa cirbadaha lagu dhex rido.
Haddii aad u baahan tahay qaddar badan oo insulin ah, daaweeyahaaga ayaa laga yaabaa inuu kugula taliyo inaad u qeybiso laba qaddar. Xaaladaha qaarkood taasi waxey hagaajin kartaa qaadashada insulinta, oo markaas u shaqeyneysa si ka wanaagsan.
Meelaha, ka muuqda sawirka hoose, waa meelaha ugu badan ee loo isticmaalo duritaanka insulin iyo GPL-1.
Balse insulinta iyada qeybta kore ee gacanta iyo dusha sare ee salka xitaa waa la isticmaalaa. Kala hadal daaweeyahaaga wixi ku saabsan meelaha la duro.
Kafogow dhexgelin
Haddii aad dhowr jeer insulin ama GLP-1 ka qaadaneyso isku meel, waxaad halis ugu jirtaa dhexgelin meesha, kuusnaan ama meelo adag oo gudaha baruurta. Si ad uga fogaato, waxaad sameyn kataa wayaabaha soo socda:
- Bedel meesha duritaanka, markasta oo aad qaadaneyso insulin ama GLP-1.
- Ugu yaraan 2 centimeter ka fogow meeshi ugu dambeeysey ee aad durtay.
- Isticmaal cirbad cusub, mar kasta oo aad qaadaneyso insulin ama GLP-1.
Haddii aad ka shakiso dhexgelin, kuusnaan ama meelo adag, waxaa haboon inaad ka fogaato inaad durto meeshaas oo kala hadal daaweeyahaaga booqashadaada xigta.
Goormey kuu haboon tahay duritaanka maqaarka kor qabtay?
Haddii BMI-gaagu ka hooseeyo 18,5, ama haddii daaweeyahaaga uu ku qiimeeyo, inaadan lakabka maqaarka ku laheyn baruur badan, meesha aad dureyso, waa inaad durtaa maqaar kor loo qabtay.
- Ku qabo maqaarka suulka - iyo farta ku xigta oo kor u soo qaad, oo celi maqaarka aad soo qabatay.
- U dur qaab xagal toosan (90 garaado) dusha sare ee maqaarka (fiiri sawirka). Qalinka ha ugu riixin maqaarka si adag, si haragga aysan uga soo bixin meel diisan.
- Maqaarka waa la haynayaa ilaa cirbadda laga soo saaro.
- Kadibna raac tallaabooyinka 2 iyo 3 ee qeybta ”Duritaanka”.
Talo soo jeedinno guud
- Insulinta iyo GLP-1 aan la furin waa in ay keydsanaadaan iyagoo daboolam ama ku jiraan sanduuq gudaha qaboojiyaha.
- Qalinka insulinta- ama GLP-1, ee la isticmaalay, waxa lagu keydinayaa kuleylka caadiga ee qolka mar walbana wuu daboolnaanayaa si looga difaaco ileyska.
- Haddii qalinka insulinta- ama GLP-1- uu midabkoodu is-beddelay, waxa ay dhaafeen wakhtigooda oo waa dhaceen ama si khaldan ayaa loo keydiyey (marka loo eego waraaqda cusbitaal seexinta), waxa haboon in la tuuro.
- Maka calaamadda qalinka ay dhaafto xarriijinta ugu dambeysa, waxa haboon in qalinka la xareeyo oo la tuuro.
- Qalinka maran waxaa ku jira haraaga daawada. Sidaas darteed waa in la geeyaa farmashiga, si markaas si sax ah loogu tuuro.
- Sanduuqa cirbadaha waxaa laga soo qaadan karaa farmashiga. Sanduuqa cirbadaha ee buuxsamay waxaa la geeyaa farmashiga, isaga iyo qalinka la is-ticmaalay.
- Noocyo yar oo insulin ah ayaa la isku qasaa ama laga qaataa hal meel oo mucayan ah.
- HADDII AAD SHAKISAN TAHAY, la xiriir daaweeyahaaga.
In badan ka akhri www.videncenterfordiabetes.dk
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.