Waxay ku siinaysaa natiijo sax ah, markaad dhiig karka ku cabirto gurigaaga meel degan,oo xisiloon. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim inaad raacdo tilmaamahan.
Fadlan la soco in aalada aysan isticmaalin kuwa kale, maadaama ay bedelmi karto qiyaasihii lagu jaangooyay aalada.
Kahor cabirka, waa muhiim inaad:
- Ha qaadan daawo ilaa aad ka cabirto cadaadiska dhiigaaga subaxdii
- Ha cabin sigaar, kafee/qaxwo ama shaah 30 daqiiqo ka hor intaadan is cabirin
- Inaadan dhaqdhaqaaq jireed samayn 30 daqiiqo ka hor intaadan is cabirin
- Waa inaad hubisaa inaad fadhiisan karto adigoon qasnayn inta lagu jiro cabirka
Suunka cabirka ku xir cududa sare, in wax yar ka saraysa laabka suxulka. - Si deggan u fadhiiso shan daqiiqo ka hor inta aanad cabirka bilaabin. Iska ilaali lugaha inaad isdhaafsato, oo dhabarka ha ku ekaado kursiga gadaashiisa.
- Ku cabir gacan isku mid ah mar kasta oo aad cabir qaadayso.
- Marada gacanta kor u jiid. Lakiin wa inaysan kaa cadaadin gacanta - waxay ku siin kartaa natiijooyin khaldan.
Sidan u cabir cadadiska dhiigaaga
- Suunka cabirka ku xir cududaada sare, in wax yar ka saraysa laabashada suxulka.
- Tuubada hawadu waa in ay ku aadan tahay badhtamaha cududa oo ka saraysa laabashada suxulka, tuubadu waa inay hoos u jeedaa..
- Suunka cabirka waa inuusan si aad ugu giigsanayn cududa. Waa in aad farta galin karto suunka cabirka iyo cududa dhexdooda.
- Riix badhanka bilawga ee qalabka.
Cabirku wuxuu bilaabmayaa marka aad riixdo badhanka bilowga, waxayna noqon kartaa in gacantu giigsanto. Fadlan ogow waa inaadan hadlin ama dhaqaaqin inta lagu jiro cabirka, isagoo qaadan kara dhowr daqiiqo.
Waa inaadan hadalin ama dhaqaaqin. Cabir cadaadiska dhiiga sadex maalin oo isku xigta
Waa inaad cabbirtaa cadaadiska dhiigaaga subaxdii iyo fiidkii 3 maalmood oo isku xigta.
- Quraac ka hor, cabbir cadaadiska dhiiggaaga 3 jeer oo isku xigta
- Wax yar ka hor casho, cabbir cadaadiska dhiiggaaga mar kale 3 jeer oo isku xigta.
Qaado nasasho gaaban oo ah 1-2 daqiiqo inta u dhaxaysa mid kasta oo ka mid ah 3 cabir.
Qor natiijooyinka cabirkaaga
Waa inaad ku qortaa natiijada cabirkaaga foomka bogga u dambeeya. Cabir kasta ka dib, saddex lambar ayaa ka soo muuqanaya shaashada. Waxa kaliya oo aad u baahan tahay inaad ogaato labada lambar ee ugu sarreeya, kuwaas oo ah cadaadiska dhiigga ee sare(systolic) iyo kan hoose (diastolic).
Sharaxaada sawirka:
- Sare: Cadaadiska dhiiga sare (systolic).
- Dhexe: Cadaadiska dhiigA hoose (diastolic).
- Gunta: Garaaca wadnahaaga.
Kaliya qor labada nambar ee kore, sida shaashada ka muuqata. Ka fiiri jadwalka bogga hoose.
Soo celinta aalada cabirka
Waad ka amaahan kartaa qalabka mudo 14 maalmood ah. Hadaba waxaanu kaa codsanaynaa, marka aad cabirto dhiig karkaaga saddex maalmood oo isku xigta, aad ku celiso aaladda halkii aad ka heshay, si dadka kale ay iyaguna fursad ugu helaan inay amaahdaan qalabka lagu cabiro dhiig karka guriga.
Fadlan ku soo celi qalabka iyo foomka natiijooyinka cabiradaada ugu dambayn 14 maalmood ka dib markaad alaabta guriga u amaahatay.
Kala xiriir
Haddii aad wax su'aalo ah ama shaki ah qabtid, waa lagugu soo dhaweynayaa maalmaha shaqada, inaad la xiriiri karto adeegga La-talinta Kalkaaliyaasha inta u dhaxaysa 08.00-16.00