Gå til hovedindhold

Cabirka sokorta dhiiga - Måling af blodsukker

Isku day inaad hesho natiijo sax ah, markaad cabrito sokorta dhiiga, waa muhiim inaad si fiican u qaado cabiraada.

Waa muhiim inaad akhrido tilmaamaha aalada cabirka sokorta dhiiga looga qaadayo faraha,  ka hor inta aanad isticmaalin qalabka.

Kahor intaadan cabirin sokorta dhiiga

Si aad u hesho natiijada ugu saxsan ee cabiraada, waa in gacmahaagu engagan yihiin, oo nadiif yihiin, markaad iska  qaadayso cabirka sokorta dhiiga

  • Haddaad faraha ku leedahay macaar tufaax ah ama macaan kale,  waxaa khatr ah in cabirka sokorta dhiiga kor u kaco, oo uu khalad kuu sheego. Waayo jaalada cabirka  sokorta dhiiga ma kala saari katro sokorta dhiiga iyo  tan macaanada kale,  sida sokorta khudaarta ama tan caanaha ku jirta.
  • Haddii aad leedahay faro qoyan, waxaad halis u tahay inaad cabirto qiyaas been ah, oo aad u hooseeysa,  sababtuna waa in dhiiga uu ku milmo biyaha.

Haddii aadan heli karin biyo iyo saabuun, waxaad isticmaali kartaa kaliiniska spriit-ka leh, ama kiliinis qoyan, oo aad ku nadiifin kartaa farahaaga. Alkahoosha  dareeraha ah ee gacanta kuma fila nadiifanta faraha.

Faraha qabowgu waxay adkeyn kartaa in la helo dhiig ku filan cabirka sokorta . Sidaa darteed, hubso, in farahaagu ay  diirran yihiin ka hor intaadan is mudin.

Had iyo jeer ka qaad sonkorta dhiiga dhinaca cidhifka ee farta, dhegta ama suulasha.

 Sidaan u cabir sonkorta dhiigga

  • Cirbadaha mudida faraha  waa  in la diyaariyey. Si looga fogaado bakteeriyada iyo in cirbada af-beesho, waa in mar kasta oo aad cabirayso dhiiga aad isticmaashaa cirbado cusub. Qiyas u samee inta farta aad hoos u mudayso.
  • Geli usha baaritaanka aalada cabirka sikorta dhiiga - aaladu si toos ah ayay u shidantaa.
  • Ku dhufo farta dhinaceeda cidhifka. Waa muhiim inaadan isku meel ka qaadin dhiiga mar walba. Dhammaan 10-ka farood waa la isticmaali karaa labada dhinacba.
  • Waxa  suurtogal ah in laga cabiro karo  sokorta dhiiga dhegta ama suulasha.
  • Ka soo qaad dhibic dhiiga oo ku qabo caarada xariiqda usha baaritaanka, ilaa inta xariiqdu ka buuxsanto.
  • Natiijada cabirku waxay ka muuqanaysaa aalada cabirka  qiyaastii. 5 ilbiriqsi.
  • Xarigga tijaabada ayaa laga saarayaa aaladda oo waa la tuurayaa.
  • Cirbadaha la isticmaalay waxa lagu tuurayaa baaldiga qashinkai cirbadaha.
Hubi inaad sameyso dhibic dhiiga oo wareeg ah, ka hor intaadan dhibicda dhiiga ku shuubin xariiqda usha baaritaanka

Haddii aad cabirto labo mar oo isku xiga dhiigaaga sokorta, waxaaa laga yabaa in qiyaastu kala duwanaato  10% Taas macnaheedu maaha in aanay wax ka khaldan yihiin aalada cabirka sokorta dhiiga. Tani waa hubaal la'aanta qiyaasta caadiga ah. Waad la kulmi kartaa, xitaa haddaad  ku cabirto laba qalab oo kala duwan.

Marka lagaa  daaweeyonayo sonkorta dhiiga ee sareysa, waxaad codsan kartaa qalabka baaritaanka (aalada a cabirka sokorta dhiiga, cirbadaha faraha lagu mudo, usha baaritaanka dhiiga, iyo xariijimaha tijaabada) waxaad   ka codsan kartaa degmadaada.

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden