Gå til hovedindhold

Daawaynta daawada hoos u dhigida kalastaroolka - Behandling med kolesterolsænkende medicin

Daawada hoos u dhigta kalastaroolka, waxay yaraysaa khatarta cudurada wadnaha.

Warbixin kooban oo ku saabsan daawaynta

Sokorowga waxaa lala xiriiriyaa inuu sababo khatarta cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Daawooyinka hoos u dhiga kalastaroolka waxay kaa caawin karaan inay hoos u dhigaan heerka kolestaroolka dhiiga. Tani waxay yaraynaysaa halista cudurada wadnaha iyo xididada.

Dadka intooda badan waxay daawaynta hoos u dhigista Kalastaroolka ku bilaabaan kaniiniyo, sida statiner ama ezetimib. Labadan maado waxay tahay shaqadooda inay hoos u dhigaan kalastroolka LDL ee dhiiga ku jira.

Kalastaroolku waa dufan ku jira dhiigga

Waxaa jira saddex nooc oo kalastarool ah: LDL kolestarool, kalastarool HDL iyo triglycerides.

  • LDL waa kalastaroolka waxyeelada leh, kaas oo loo yaqaan 'xun' kalastarool. Hadduu sareeyo kalastaroolka LDL ee dhiigga ku jirta,  waxay sababi kartaa  khatar weyn oo ku timaada wadnaha iyo xiddidada dhiiga qaada.
  • HDL waa kalastaroolka aan waxyeelada lahayn, waxaana loo yaqaanaa kalastaroolka "ammaanka" leh. Markuu sareeyo kalastaroolka HDL ee dhiiga ku jira, waxay hoos u dhigtaa khatarta in xididada dhiiga qaada isxiraan.
  • Triglycerides waa nooca saddexaad ee dufanka ku jira dhiiga. Haddu sareeyo  triglycerides dhiiga ku jira, waxay kordhisaa khatarta ah in uu kugu dhaco cudurada wadnaha iyo in xididada dhiiga qaada is xiraan.

Sidaan u qaado daawada hoos u dhigta kalastaroolka

Waxaad qaadanaysaa dawada hal mar maalintii. Waxay noqon kartaa subaxdii ama fiidkii ka hor intaadan seexan. Waxay kuxirantahay nooca daawada.

Waxyeelooyinka suurtagalka ah

Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto xaaladahan sida:

  • lalabo
  • matag
  • calool xanuun
  • shuban
  • saamayn ku timaada shaqada beerka
  • murqo xanuun
  • xasaasiyad
  • finan maqaarka ah
  • wareer

La xidhiidh dhakhtarkaaga 

Haddii aad isku aragto mid ka mid ah calaamadaha kor ku xusan, oo aad aaminsan tahay in ay ka dhasheen daawaynta hoos u dhigista kalastaroolka, waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga, haddii loo baahdo, haki qaadashada daawada.

Xiriir

Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00. 

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden