Warbixin kooban oo ku saabsan daawadan
Cudurka sokorta wuxuu keenaa cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Ku daawaynta hjertemagnyl waxay ka hortagtaa, in unugyada dhiiga ay isku guntaan xididada dhiiga ama ay is qabsadaan oo xinjiroobaan. Daawada waxay hoos u dhigtaa halista xinjirowga dhiigga.
Sidaan u qaado daawaada hjertemagnyl
Hjertemagnyl waa kaniini yar oo aad ku liqayso biyo. Waa inaad qaadataa maalinki hal kaniini.
Waxyeelooyinka suurtagalka ah
Dadka intooda badan wax dhib ah kalama kulmaan daawada hjertemagnyl. Waxyeelooyinka caadi ahaan la socda daawadan:
- inaad gaas ku yeelato caloosha
- calool xaniin/xanuun
- in dhiig bax imaan karo - tusaale ahan inaad.
Feejignaan
Haddii aad ilig iska saarayso ama qalitaan aad galayso, waa inaadan qaadan daawada hjertemagnyl. Kala hadal dhakhtarkaada, waxaad ka yeeli lahayd arinkaa.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.