Gå til hovedindhold

Daawaynta nooca 2-aad ee sokorowga SGLT-2 joojiyaasha - Behandling af type 2-diabetes med SGLT-2-hæmmere

SGLT-2 waa daawo, hoos u dhigaysa sokorta dhiiga.

Warbixin kooban oo ku saabsan daawayntan

SGLT-2 joojiyaasha  waxay hoos u dhigaan sokorta dhiigaaga. Dawadu waxeey shaqo galisa kiliyahaaga si ee sonkor badan u soo raaciso kaadidaada. SGLT-2 joojiyaasha waxaaa laga soo gaabiyay eraygan sodium-Glucose cotransporter-2 -hæmmere.

Badanaa waxaad u heleeysa SGLT-2-joojiyasha si ku kordhis ahaan, oo lagu saacido daaweeynta kale ee sokorowga. Daawadan waxay ka hor tagi kartaa cudurada wadnaha iyo xididdada dhiiga, wadne xanuunka iyo soo saarida albuminka farada badan oo soo raacaya kaadida, taas oo calaamad u ah cudurka kelyaha ee sokortu keento.

Daawaynta SGLT-2 weey yartahay in eey sokorta dhiiga hoos u dhigto, maadaama daawadu eeysan saamayn ku laheyn dhiiga marka ay tahay  heerka caadiga ah (4-6 mmol/l).

Inta lagu jiro daawaynta SGLT-2, gaar ahaan bilowga, waxaad la kulmi kartaa kaadi badan, waxaad kale oo aad filan kartaa in  miisaankaadu hoos  uyara dhaco  2-3 kg .

Sidaan u qaado SGLT-2 joojiyaasha

Waa in aad qaadatid kaniiniga 1 jeer maalintii. Kiniiniga  waa la qaadan karaa keligiis, ama waxaa lala qaadan karaa kaniiniyada kale ee loogu talagalay daawaynta nooca 2aad ee sokorowga ama waxaad kula qaadan kartaa daawada insuliinta.

 

Waxyeelooyinka suurtagalka ah

Waxyeelooyinka  ugu caansan waa:

  • caabuqa kaadi haysta
  • caabuqa ku dhaca xubnaha taranka
  • xaalado dhif ah, fuuqbax ayaa dhici kara.

Jooji qadashada daawada ama haki haddii aad la kulanto:

  • cuntada ood qaadan waydo
  • lalabo
  • matag
  • shuban
  • harraad lagu sheegay
  • neefsashada oo kugu adkaata
  • calool xanuun
  • wareer.

La xidhiidh SDCC ama dhakhtarkaaga haddii aad wax shaki ah ka qabtid daawada.

Feejignaan

Halista sokorta dhiiga oo hoos u dhacda way badan tahay,  hadii lagugu daaweynayo daawooyinka kale ee hoos u dhigaya sokorta dhiigaaga adoo qaadanaaya SGLT-2 joojiyaasha. 

Xiriir

Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00. 

 

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden