Warbixin kooban oo ku saabsan daawayntan
DPP-4 joojoiyaha waxay hoos u dhigaan sokorta dhiiga, waxayna qayb ka yihiin daaweynta nooca 2 ee sokorowga. Waxay ka shaqeeyaan kordhinta nuxurka hoormoonka mindhicirka GLP-1 ee dhiiga, kaasoo sare u qaado soo saarka insulinta jirka. Tani waxay keentaa in sokorta dhiiga hoos u dhacdo. DDP-4-waxaa laga soo gaabiyay eraygan dipeptidyl peptidase-4 hæmmere.
DPP-4 joojiyaha marar dhif ah ayaa lala xiriiriyaa in sokorta dhiiga hoos u dhacdo, laakiin daaweyntan wax saamayn ah kuma laha sokorta dhiiga marka ay tahay heerka caadiga ah (4-6 mmol/l).
Sidaan u qaado daawada DDP-4
Waa in aad qaadatid kaniiniga 1-2 jeer maalintii. Kiniiniga waa la qaadan karaa keligiis, ama waxaa lala qaadan karaa kaniiniyada kale ee loogu talagalay daawaynta nooca 2aad ee sokorowga ama daawada insuliintaba.
Jooji qaadashada daawada
Waa in aad ka nasato qaadashada daawada, haddii aad isku aragto matag , xanuun, shuban ama neef qaadashada oo ku gu adkaato, ama haddii lagaaga shakiyo inaad fuuqbaxday. Haddii ay dhacdo in aad xanuunsato iska cabir sokorta dhiigaada, haddi aad u baahatan, la xidhiidh dhakhtarkaada.
Waxyeelooyinka suurtagalka ah
Xaalado dhif ah, waxaa la arki kara waxyeelooyin sida:
- calool xanuun
- shuban
- lalabo.
Waxyeelooyinkan inta badan waxay ku baaba'aan mudo gaaban ka dib.
Feejignow
Halista sokorta dhiiga oo hoos u dhacda way badan tahay, hadii lagugu daaweynayo daawooyinka kale ee hoos u dhigaya sokorta dhiigaaga.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.