Gå til hovedindhold

Daaweynta basalinsulin - Behandling med basalinsulin

Insuliinta basalinsulin waxayna u shaqaysaa si tartiib ah, waxayna caawisaa hoos u dhicida sokorta dhiiga.

Warbixin kooban oo ku saabsan daawayntan

Jirkeenu wuxuu si joogto ah ugu baahan yahay tabar/tamar si uu u shaqeeyo. Insulinku waa mid ah hormoonada dabiiciga ah ee caawiya in tabarta/tamarta (sokorta) laga soo qaado dhiiga, oo loo gudbiyo unugyada jirka kale  habkan,  waa sida sokorta dhiiga hoos loogu dhigo.

Dadka intooda badan, wax yar oo insulin ah ayaa si joogto ah looga soo daayaa xameetida, laakiin dadka qaba nooca sokorta 2-aad ee xanuunka macaanka, saamaynta insuliinka jidhku waxaa ku yimid hoos u dhac  sababo kala duwan darteed. Sidaas awgeed waxa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in la siiyo insulin (si macmal ah loo soo saaray) basalinsulin.

Basalinsulin waa insulin si tartiib ah jirka u gala (oo si tartiib tartiib ah ayay u  shaqeysaa). Inta badan insuliinada nooca basalinsulin waxay si fiican u shaqeeyaan 6-12 saacadood ka dib marka la qaato. Kuwo kale Insuliinada waxay si rasmi ah u shaqeeyaan 24 saacadood.

Sidaan u qaado basalinsulin

Basalinsulin waxaa la isku duraa 1 ama 2 jeer maalintii. Waxaad wax badan ka arki kartaa farsamada duritaanka  buug-yaraha 'Sidaa u qaato insulin iyo GLP-1'. Ka raadi ciwaanka laga helo www.sdcc.dk. Haddii loo baahdo, waxaad caawimaad ka heli kartaa daryeelka kormeerka caafimaadka guryaha ee kumuunahaaaga.

Basalinsulin waxaa inta badan lala qaataa daawooyinka kale ee hoos u dhiga sokorta dhiiga.

Ha qaadan basalinsulin: Sida caadiga ah, waa inaad had iyo jeer qaadato basalinsulin. Laakiin xaaladaha gaarka ah sida baaritaanada ama qaliin, oo lagaa rabi inaad soonto, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in la joojiyo daawada. Waa inaadan joojin daawada adoon la heshiin dhakhtarkaada ka hor. 

Haddii ay dhacdo inaad  xanuunsato, waa inaad cabirtaa sokorta dhiigaaga. Haddii sokorta dhiigaagu sareyso ama ka hooseeyso liiska sare ee bogga xiga, waa inaad la xiriirtaa SDCC.

Taariikh                                                                        
Daawo  
Qiyaasta 
Xadka sokorta dhiiga ee ugu sareysa 
Xadka sokorta dhiiga ee ugu hoosaysa 
Cabirka sokorta dhiiga 

Waxyeelooyinka suurtagalka ah

Daawaynta insulintu waxay kordhisaa khatarta ah in sokorta dhiigaagu hoos u dhacdo. Wax badan ayaad ka akhriyi kartaa sonkorta dhiiga oo buug-yaraha 'Sokorta hooseysa dhiiga (hypoglycaemia)'. Ka raadi cinwaanka www.sdcc.dk.

Xaalado dhif ah ah, cirbadaha insuliinta waxay keeni karaan waxyeelo xaga maqaarka ah, sida in nabaro aad isku aragto . La xidhiidh SDCC haddaad  sidan la kulanto.

Caawinaada aad helayso

Marka aad bilowdo daawaynta insuliinta, waxaa isbedelaya caawinaad qalabka cabirka sokorta dhiiga,. Taas macnaheedu waxa weeye in aad heli karto dhammaan qalabka cabiraada sokorta dhiiga aad u baahan tahay, siddo kale cirbadaha qalinka insuliinta.

Xiriir

Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00. 

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden