Warbixin kooban oo ku saabsan daawaynta
Daawada SU-præparater (sulfonylureas) waay kordhisaa soo saarka insulin-ta ee gudaha xameetida. Marka insulin badan la soo saaro, sokorta dhiiga ayaa hoos u dhacda.
Waa daawo sanado badan loo isticmaali jiray in lagu daweeyo nooca 2 xanuunka sokorta. Daawada SU-præparater waxaa inta badan lala isticmaalaa kaniiniyada kale ee daawaynta nooca 2-aad ee xanuunka sokorta, tusaale ahaan metformin.
Sidaan u qaado daawada SU
Kaniiniyada waxaa badanaa la qaataa hal mar maalintii, inta badan subaxdii.
Waxaan kugula talineynaa inaad hakiso qaadashada daaweynta haddii aad la kulanto xanuun, matag, shuban, iyo fuuqbax lagagaa shakiyo. Marka laga hadlayo jirada, waa inaad cabirtaa sokorta dhiigaaga, haddii loo baahdana la xiriir dhakhtarkaaga.
Waxyeelooyinka suurtagalka ah
Waxyeelooyinka soo raaca ee ugu caansan waa:
- lalabo
- calool xanuun
- shuban
- sokorta dhiiga oo hoos u dhacda.
Haddii aad daasho, xanuunsato ama aad gaajooto, waa inaad cabirtaa sokorta dhiigaaga. Waa calaamadaha ay sababi karaan sokorta dhiiga oo hoos u dhacda. Waa inaad sidoo kale iska cabirtaa sonkorta dhiiga ka hor inta aanad gaadhi wadin.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.