Gå til hovedindhold

Fasax iyo cudurka sokorta - Ferie og diabetes

Waad safri kasta , oo fasax qaadan kartaa markaad sokorow leedahay, laakiin waa fikrad fiican inad si fiican u qorshayso safarkaaga, ka hor intaadan safrin.

Waad  safri kartaa oo waxaad fasax la qaadan kartaa sokorowga, meesha aad rabto iyo sida aad rabto. Markaad qorshaynayso fasaxaaga, waxaa lagaa doonayaa inaad la socota in sokorta aad qabto aysan caqabad kugu noqon, oo aysan fasaxa kaa horistaagin.

Fasaxa ka hor

Caymiska safarka

Hubi inaad ku jirto caymiska safarka iyo kaarka caafimaadka ee danishka  jaalaha ah, ama kaarka caymiska caafimaadka ee EU-da. Xusuusnow inaad sidoo kale cusboonaysiiso kaarka EU-da ee buluuga ah waqti fiican, haddii ay dhowdahay taariikhda dhicitaankiisa. La xidhiidh shirkaddaada caymiska ka horbixitaakaada, si aad u hubiso in aad caymis ku jirto haddii ay dhacdo shil ama haddii aad bilowday in lagugu daweeyo dawooyin cusub.

 

Shahaadada socdaalka

Dukumeenti socdaal oo ku qoran luqado badan ayaad kala soo bixi i kartaa SDCC. Waxaad sidoo kale ka dalban kartaa  kalkaalisada la-tashiga, maalmaha shaqada inta u dhaxaysa 08.00-16.00, waxay dokumeentiga kuugu soo dirayaaan e-Box kaaga. Cadeynta waxay kaa caawinaysaa inaad qaadato daawoowinkaada iyo qalabka sokorta lagu cabiraba si dhibaato la'aan, sida irbadaha insuliinta, qalinka insuliinta iyo jihaaska cabirka sokorta dhiiga. Waxay kaloo faa'iido u leedahay haddii aad u baahato tahay gargaar caafimaad,  iyo qaybta baritaanka amniga garoonka diyaaradaha.

Waxay khusaysaa  kuwa lagu daweeyo insulinta

Had iyo jeer soo qaado labanlaab dhammaan daawooyinka iyo qalabka cabirka sokorta dhiiga - sidoo kale qalabka lagu cabiro ketones - si haddii ay dhacdo baahi insulinta oo badata, qalabka cabirka oo xumaada, ama in uu kaa lumo qalinka insuliinta oo kale. Iska eeg taariikhda ay dhacayaan qalbka sockorta lagu cabiro iyo insuliinta  aad qaadanayso, kahor intaadan bixin.

Kala gali insulintaada iyo qalabkaaga cabiraada sokorta dhiiga  dhawr boorso, sidoo kale haddii ay kula safrayaan saaxiibo u dhiibo qaar ka mid ah daawada iyaga, si aaysan u dhuman daawaadaad iyo qalabka kaleba haddii boorsada lunto. Haddii ay kaa lunto insulintaada, la xidhiidh dhakhtarka deegaanka, haddii ay suurtogal tahay adiga oo sii maraya caymiska safarka.

Kaydinta daawada cirbadaha  iyo qalabka cabiraada.

Waxaad ka iibsan kartaa farmashiga bacda qaboojinta ee kaydinta daawada u baahan in la qaboojiyo inta safarka lagu jiro.

Ha galanin daawada iyo qalabka cabirka sokorta boorsooyinka rarka, waayo haddii kulaylku gaaro 30-degree ama 0-degree, waxay raad ku yeelanaysaa nuxurka daawada. Sidaa darted waa inaad mar walbaa gelisaa boorsada gacanta aad ku qaadanayso.

Daawooyinka kale

Daawooyinkaaga oo dhan waa inaad xafidaa  inta aad safarka ku jirto, oo ay ku jiraan  baakadahooda asalka ah. Xusuusnow inaad qaadato daawo  kugu  filan fasaxa oo dhan.

Qalinka Insuliin /sensar-ka

Ka hubi farmashiga ama meesha daawada aad ka qaadato in qalinka insulinta/sensar-ka insuliinta, inay uu u adkeysan karaan raajada ama skaanka alaabta lagu baaro, siaad u hubsato inaad qalabkaaga cabirka sokorta aad la mari karto karto baaritaanka ammaanka ee garoonka diyaaradaha.

Inta lagu jiro fasaxyada

Duulimaadka ka hor

U sheeg shaqaalaha amniga in aad sidato qalinka insulin /sensarka.

Duullimaadka

Waxaa laga yaabaa inay fikrad fiican tahay markaad diyaarada fuusho,  inaad u sheegto shaqaalaha diyaarada inaad qabto sokor.

Boorsooyinka gacanta ee diyaaradaha

Waxaa laguu ogol yahay inaad ku qaadato waxyaabo  dareere ah  iyo dawooyin kale shandadaada gacanta diyaaradda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo dukumeenti, tusaale ahaan warqad dhakhtar iyo baakadaha asalka ah ee daawooyinka. Sidoo kale waxaad  soo qaadan kartaa cirbadaha iyo qalabka cabiraada sokorta iyo waxa walboo kaa caawinaya sokorta dhiigaada diyaarada gudaheeda. Si dhib  la'aana ayaad ugu qaadan kartaa jeebkaaga ama boorsadaada waxyaabaha macmacaanka dadka sokorta qaba loogu talagalay sida sokorta Hypo-Fit

Safarka gaariga

Haddii aad tahay darawal, qaado nasasho, qaado daawadaada oo si joogto ah u cabir sokorta dhiigaaga. Iska ilaali inaad ku kaydiso insulinta iyo qalabka cabirka sokorta dhiiga, khaanadaha galoofiska ee gaariga  markaad gaari wadid.  Ha kaga tagin gaadhiga marka aad ka tagto. Kuleyl/qabow aad u daran labaduba waxay waxyeelo u keenayaan daawada iyo qalabkaba.

Hadaad u safrayso dibada

Haddii aad u safarto meel ka fog Danmark, waxa laga yaabaa in aad dhawr meel sii dhex mari karto meelo kale. Tani waxay ka dhigan tahay in saacadaha maalintu dheeraato ama gaabato. Sidaa darted saacada waa inaad la qabadsiisaa , oo bedeshaa markaad gadho meeshaad u socotay.

Hadada u socdaasho galbeed: Maalintu way sii dheeraanaysaa, baahidaada daawadana way korodhaysaaa.

  • Kiniiniyada: Haddii  lagugu daaweeyo kaniini kaaga sokorta dhiiga oo keliya, waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad qaadato daawo dheeraad ah, haddii maalintu kordho in ka badan 6 saacadood.
  • Insulinta: Haddii lagugu daaweeyo insulinta, waa inaad haysataa qiyaas yar Insuliin-gaaban oo shaqaynaysa qiyaastii 4tii saacadoodba mar, haddii aanad dooran inaad qaadato qiyaas yar oo ka weyn oo ah insuliinta si tartiib tartiib ah u shaqeysa, kahor intaanad dhoofin. Qiyaasta waa in ay u dhigantaa dhererka wakhtiga maalinta la kordhiyey. Qaado insuliinta waqtiyada cuntada sida caadiga ahayd.

Haddii aad haysato insulin-ta is buuxisa, ku jaangoo/buuxi wakhtiga maxaliga ah markaad timaaddo.

Hadada u socdaasho bari: maalintu way sii gaabanaysaa.

  • Kiniiniyada: Haddii lagugu daaweeyo kaniini  kaliya, waad awoodaa inaad ka boodo qiyaas ka mid ah daawada, hadii maalintu aad u gaaban tahay.
  • Insulinta: Haddii lagugu daaweeyo insulinta, waa inaad yaraysaa qiyaasta Insuliinta tartiib tartiib u shaqeysa oo u dhiganta dhererka wakhtiga maalinta la soo gaabiyay Qiyaasta caadiga ah ee insulinta wa inaad qaadataa waqtiyada cuntada.

Haddii aad haysato insulin-ta is buuxisa, ku jaangoo/buuxi wakhtiga maxaliga ah markaad timaaddo.

Cuntada iyo cabitaanka fasaxa

Waa inaad ogaataa in cuntadaada fasaxa, inay inta badan ka duwan tahay cuntadaadii guriga, iyo inay saamayn ku yeelan karto sokorta  dhiigaaga.

Haddii sokorta dhiigaagu hoos u dhacdo inkasta oo aad wax ka beddeshay qiyaasta insulinta, waa fikrad wanaagsan in aad wax badan ka cunto karbohaydrayada caafimaadka leh, tusaale; rootiga madow, khudaarta  dhowr jeer maalintii. Khamrigu wuxuu hoos u dhigaa baahida insuliinta.

Sidoo kale xasuusnoow inaad cabto biyo kugu filan, oo had iyo jeer waa inaad wax macmacaan jeebka kuugu jiro iyo dawadaad isku mudo glukagon (haddii aad qabto nooca 1aad ee sokorowga) inta  safarka aad tahay.

Fasax isboortiga ah

Haddii aad u socoto fasax firfircoon, tusaale; fasaxa Golf-ka, socodka ama safarka baaskiilka, adiga ayay kugu xiran tahay baahidaada insulinta, haddii aad samaynayso dhaqdhaqaaq ka badan kii aad samyn jirtay.

Dabaasha iyo qabaysiga waa inaad ku dartaa xisaabta. Waa inaad tixgelisaa mar walba kulaylka Meesha aad joogto, waayo kulaylka wuxuu kordhiyaa qaadashada insuliinta jirka, oo waxaa hoos u dhici kara sokorta dhiiga. Cabir sokorta dhiigaaga si joogto ah, si aad ula socoto baahidaada insuliinta.

Xiriir

Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00. 

 

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden