Ugu yaraan hal mar sannadkii, kaadidaada waa in laga baaraa albuminiinta. Waxaan sameynaa baaritaanka si aan u ogaano caaffimaadka kalyahaaga waqti fiican.
Waa inaad kaadida ku soo qaadaa guriga, waxaa fiican subaxdii inaad iska qaado. Saamiga kaadida aad iska qaaday waa inaad keentaa SDCC, goobta lagaaga qaado dhiiga.
Haddii ballanta xigta ay tahay la-talin taleefoon ama muuqaal ah, waxaad saamiga kaadida kasoo diri kartaa goobta diritaanka (ha gelin saamiga kaadida sanduuqa boostada).
Saamiga kaadida la qaaday waxaa lagu kaydin karaa heerkul gaaraya ugu badnaan 21° C, ugu badnaan mudo 7 maalmood ah.
Sidan ayaad samaynaysaa marka ay tahay inaad adigu kaadida iska qaado.
Waxaa lagu siinayaa koob kaadida lagu qaado iyo galaaska cabirka ah. Koobka kaadida waa la tuuri karaa markaad buuxiso tuubada tijaabada kaadida.