Waa muhiim inaad akhrido tilmaamaha aalada cabirka sokorta dhiiga looga qaadayo faraha, ka hor inta aanad isticmaalin qalabka.
Kahor intaadan cabirin sokorta dhiiga
Si aad u hesho natiijada ugu saxsan ee cabiraada, waa in gacmahaagu engagan yihiin, oo nadiif yihiin, markaad iska qaadayso cabirka sokorta dhiiga
- Haddaad faraha ku leedahay macaar tufaax ah ama macaan kale, waxaa khatr ah in cabirka sokorta dhiiga kor u kaco, oo uu khalad kuu sheego. Waayo jaalada cabirka sokorta dhiiga ma kala saari katro sokorta dhiiga iyo tan macaanada kale, sida sokorta khudaarta ama tan caanaha ku jirta.
- Haddii aad leedahay faro qoyan, waxaad halis u tahay inaad cabirto qiyaas been ah, oo aad u hooseeysa, sababtuna waa in dhiiga uu ku milmo biyaha.
Haddii aadan heli karin biyo iyo saabuun, waxaad isticmaali kartaa kaliiniska spriit-ka leh, ama kiliinis qoyan, oo aad ku nadiifin kartaa farahaaga. Alkahoosha dareeraha ah ee gacanta kuma fila nadiifanta faraha.
Faraha qabowgu waxay adkeyn kartaa in la helo dhiig ku filan cabirka sokorta . Sidaa darteed, hubso, in farahaagu ay diirran yihiin ka hor intaadan is mudin.
Haddii aad cabirto labo mar oo isku xiga dhiigaaga sokorta, waxaaa laga yabaa in qiyaastu kala duwanaato 10% Taas macnaheedu maaha in aanay wax ka khaldan yihiin aalada cabirka sokorta dhiiga. Tani waa hubaal la'aanta qiyaasta caadiga ah. Waad la kulmi kartaa, xitaa haddaad ku cabirto laba qalab oo kala duwan.
Marka lagaa daaweeyonayo sonkorta dhiiga ee sareysa, waxaad codsan kartaa qalabka baaritaanka (aalada a cabirka sokorta dhiiga, cirbadaha faraha lagu mudo, usha baaritaanka dhiiga, iyo xariijimaha tijaabada) waxaad ka codsan kartaa degmadaada.