Gå til hovedindhold

Cagaha iyo sokorta - Fødder og diabetes

Markay bilaabto xanuunka neerfaha cagaha(neuropat), waa muhiim cagha la dhayo, oo la ilaaliyo.

Sidaan u daryeel cagahaaga

Iyadoo aan loo eegin nooca sokorowga ee aad qabto, waa inaad si dheeraad ah u daryeeshaa cagahaaga,

Haddii aad leedahay dhaawac  bilow ah (neuropathy).

Daryeel fiicanl iyo ilaalinta cagahaaga,  iyo sidoo kale sokorta dhiiga oo si wanaagsan loo daweeyo,  ayaa kaa yarayn karta khatarta ah in dhibaatooyin aad halis u ah ku dhacaan cagahaga.

Daryeelka cagaha

Waxaan kugula talineynaa inaad maalin kasta isha ku hayso cagahaaga, oo aad daryeesho cagahaaga.  Waa kuwan qaar ka mid ah talooyin wanaagsan:

  • Ku dhaq cagahaaga maalin kasta biyo socda, qubayska waa fiican yahay.
  • Ka fogow biyo dhaxdhegida cagaha, maadaama ay tani qalijinayso maqaarka,  oo biyaha kulul waxay  keeni karaan gubashada xuubka cagah.
  • Isticmaal saabuun dabiici ah.
  • Si fiican u qalaji maqaarka cagaha - sidoo kale inta u dhaxaysa faraha.
  • Marso kareemo si uu maqaarku u ahaado mid jilicsan, oo adkaysi leh, ka ilaali inaad mariso kareemada faraha dhexdooda.
  • U fiirso cagahaaga maalin kasta oo ka fal celi haddii ay jiraan isbeddello,  sida calaamado guduudan iyo nabaro. Isticmaal muraayad haddii ay kugu adag tahay inaad aragto cagaha hoostooda, ama qof kale ha kuu eego.
  • Had iyo jeer ka daadi dhagaxyada ama waxyaabaha yaryar ee geli kara kabaha dhexdooda, ka hor intaadan xidhan.
  • Had iyo jeer si siman iskaga jar cidiyaha. Haddii gees fiiqan uu jiro, waa inaad sintaa oo u isticmaashaa birta cidiyaha lagu hoolo (neglefil). U oggolow dhakhtarka cagaha ee ku takhasusay inuu ku caawiyo,  haday kugu adag tahay inaad hagaaajiso cagahaaga.
  • U ogolow dhakhtarkaaga cagaha inuu daaweeyo cidiyaha, maqaarka cagaha ee adkaaday iyo calaacalaha, tani waxay keeni kartaa  bilawga boogta cagta.
  • Isticmaal sharabaadyo wanaagsan oo aan lahayn tolmo adag ama geeso adag. Gadi hadii loo baahdo gudaha sharabaadada. Sharabaadadu waa in laga sameeyay suuf dabiici ah ama dhogor.
  • Dhaqdhaqaaqa sida socodka iyo jimicsiga waxay hagaajinayaan wareega dhiiga cagaha.

Daaweynta cagaha iyo jaanta kabaha

Markaad timaado xarumaha sokorta lagu daweeyo SDCC, waxaanu kuu gudbinaynaa daweyaha cagaha ee shatiga leh, si aad u hesho daaweynta cagaha joogtada ah.

Si looga fogaado cadaadiska,  loo yareeyo khatarta boogaha cagaha, daweeyaha cagaha, ayaa kaa caawin kara inuu kuu  sameeyo jaanta la geliyo kabaha, si kabahaago loo saxo oo nafis lagaaga dhigo.

Marka lagugu dawaynayo  daweeyaha cagaha waa laga caawinayaa lacagta dawaynta cagaha, laakiin marwalba waa inaad jeebkaada ka bixisaa lacagta daawaynta qayb  ka mid ah.

Hoos u dhaca dareenka neerfaha cagaha (neuropathy)

Dhaawaca neerfaha ayaa keeni kara in dareenka cagaha ee taabashadu isbedel ku yimaado. Khatarta  hoos u dhaca dareeanka neerfaha cagaha wuxuu ku xiran yahay inta sanno ee aad qabtay sokorta, in si fiican lagaaga daweeyay sokorta iyo da’daada inta ay tahay.

Badanaa saameynta dareemayaasha ayaa si qarsoodi ah u timaada, dad badan ma ogaadaan in dareenka cagahooda hoos u dhac ku yimid, taasina waxay sababi kartaa in cagahaadu dhaawac soo gaaro, adiga oo la socon ama dareemayn dhaawacaa.

 Waxay kaloo noqon kartaa in cagahu ku huraan, ama aad dareenta xanuun badan, taasina waxay caalamad u tahay in neerfayaasha cagahu wayeeloobeen.

Waxyeelooyinkan ama calaamadahan waxaa lagu dawayn karaan in sokortaada si fiican loo daweeyo, markaa waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaada.

Baaritaanka sannad walba

Haddaanu nahay SDCC, waxaanu sanadkiiba mar baadhnaa dareenka taabashada cagahaaga, si aan ula socono isbedelka dareenka cagahaaga, waxaan baraa gariirka cagaha, anagoo isticmaala jihaaska  biothesiometer. Haddii dareenka gariirku ka sarreeyo 25 volts, waxaad halis ugu jirtaa dhaawac cagaha  adigoon xitaa ogaanin.

Marka la baarayo cagahaaga, waxaan sidoo kale baarnaa garaaca wadnahaaga, iyo dhiiga soo gaaraya cagahaaga.

Haddii aad hoos u  dhacdo dhiiga soo gaaraya cagahaaga, waxay sababaysa in oxijiinta soo gaaraysa cagahu yaraato, taasina waxay keenaysaa in haddii cagaha dhaawac gaaro aanay boogsoonin. Xaaladaas oo kale haddii aad la kulanto, qofka waxaa loo diraa qaybta qaliinka xiddidada dhiiga qaada.

Hoos u dhigida cudurada cagaha ee hoos u dhiga dareenkooda waa in:

  • u ilaali sonkorta dhiigaaga sida ugu fiican ee suurtogalka ah
  • jooji sigaarka haddii aad sigaar cabto
  • dooro kabo iyo sharabaadyo ku habboon cagahaaga. Haddii loo baahdo, raadi buug-yaraha 'Talo wanaagsan oo ku saabsan iibsashada kabaha' ee www.sdcc.dk 
  • caado ka dhig maalin kasta  inaad u hubiso  cagahaagu inay fiican yihiin
  • u nadiifi cagaha si wanaagsan

 

FIIRO GAAR AH: Haddii dhaawac soo gaaro cagahaaga, la xidhiidh SDCC isla markiiba.

Kala xiriir

Haddii aad wax su'aalo ah ama shaki ah qabtid, waa lagugu soo dhaweynayaa maalmaha shaqada, inaad lla xiriir  karto adeegga La-talinta Kalkaaliyaasha inta u dhaxaysa  08.00-16.00 ama rugta caafimaadka cagta inta u dhaxaysa 08.30-09.00  telf: 39 68 08 00.

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden