Gå til hovedindhold

Caqabadaha galmada iyo sokorowga - Seksuelle udfordringer og diabetes

Dumarka iyo raga laaduba way la kulmaan dhibaato la xdhiidha xaga galmada. Cilmi baarista, waxay shegaysaa in dadaka qaba sokorowga ay la kulmaa dhibaatooyin la xidhiidha xaga galmada, in ka badan dadka aan qabin.

Dumar iyo rag badan ayaa la kulma noocyo kala duwan oo caqabado ah xaga  galmada, mar ka mid ah noloshooda - iyada oo aan loo eegin haddii ay qabaan cudurka macaanka. Ma laga yaabaa inaad ka mid tahay?

Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in haweenka qaba sokorowga,  ay la kulmaan caqabado badan oo  la xidhiidha galmada, in ka badan laba jeer ama laba jibaar dumarka aan qabin sokorowga. Ragga qaba xanuunka sokorowga, waxay la kulmaan caqabadaha la xidhiidha galmada,  in ka badan saddex jeer raga aan qabin cudurka sokorowga.

Cilmi baaris dhawaan daanish ah, oo dhawaaan la sameeyay ayaa muujisay, in boqolkiiba 80 deenishka da'doodu u dhaxayso 15 iyo 89 ay u arkaan in nolosha galmada fiican ay muhiim tahay.  Haddii aad la qabto ra’yigaas, laakiin ay jiraan caqabado kaa hortaagan galmada,  kala hadal dhakhtarkaaga, ama talabixinta  ururka sokorowga,  caawinaad  ayay ka helaan dadka badankiisa.

Talobixin  macquul ah oo ku saabsan caqabadaha galmada

Cudurka sokorowga wuxuu inta badan qofka u saameeyaa jir ahaan, maskaxiyan iyo bulsho ahaanba – oo tanina waxay raad ku leedahay guud ahaan rabitaanka galmada.

Isbedbedelka sokorta dhiigga waxay noqon kartaa sababta keenta rabitaan la'aanta galmada, degenaansho la'aanta maskaxda iyo welwelka tusaale ahaan; sokorta dhiiga oo hooseysa waxay sababtaa sidoo kale.

  • Dumarka qaba xanuunka sokorta waxay inta badan la kulmaan rabitaan la'aan, qalaylka siilka, dhibaatooyinka kacsiga iyo xanuunka xilliga galmada.
  • Ragga qaba xanuunka sokorta ayaa inta badan la kulma rabitaan iyo kacsi la'aan., dhibaatooyinka biyo-baxa iyo kacsi yaraan.

Sanado badan oo sokorow ah wuxuu keeni karaa dhaawac soo gaadha neerfaha iyo wareegga dhiiga, sidoo kale daawooyinka qaarkoodka aad qaadato, inay saameyn ku yeelan karaan noloshaada galmada.

Adiga ayaa is caawin kara

Joojinta sigaarka (haddii aad tahay qof sigaar caba), jimicsi, cunto caafimaad leh, hoos u dhigida khamriga, tababrida miskaha (waxay khuseeyaan ragga iyo dumarka labadaba), waxaad ku gaari kartaa inta badan inaad hesho nolol galmo wanaagsan.

Helitaanka caawinaad

Haddii aad la kulanto caqabado la xidhiidha xaga  galmoada, u sheeg daaweeyahaaga. Inta badan caqabadahan waxaa loo helaa cawinaad iyo dawayn.

Waxaa la helaa  daawayno kala duwan oo lagu daweeyo calaamadahn. Waxy ku xiran tahay marwalbaa in la ogaado sabata keentay caqabada ku haysta. Sidaa darteed waa muhiim inaad si fiican oogal hadasho arimahan daweeyahaaga xag sokorta, si laguu siiyo daawayn wanaagsan bilowgaba.

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden