Warbixin kooban oo ku saabsan daawaynta
GLP-1 waa hoormoonka mindhicirka oo kor u qaado soo daynta jirka ee insulinta. Waxay hoos u dhigtaa sokorta dhiiga waxaana loo isticmaalaa in lagu daaweeyo nooca 2aad ee sokorowga.
Isla mar ahaantaana, analogues GLP-1 waxay saameyn ku leedahay rabitaanka cuntada, taas oo ka dhigaysa in dad badan miisaankoodu hoos u dhaco. GLP-1 waxaa laga soo gaabiyay Glucagon Like Peptide-1.
Sidaan u qaado analogues GLP-1
Waa suurtagal in la helo analogues GLP-1 irbid ahaan iyo kiniin labadaba.
Haddii laguu qoro GLP-1 duritaan ahaan: Waa inaad ka qaadataa caloosha ama bowdada maalin kasta ama toddobaadkii (maalin go'an oo toddobaadka ah). Bal eeg, sidee buug-yaraha ku jira 'Sidaan u qaado insulin ama GLP-1'. Ka raadi cinwaanka www.sdcc.dk.
Haddii laguu qoro analogues GLP-1 kaniini ahaan:
- Waa inaad qaadataa 1 kaniini halmar maalintii.
- Waxaad qaadan kartaa kiniinka wakhti kasta oo maalinta ah, laakiin waa inaad qaadataa caloolsha oo madhan. Yacni 6 saacadood oo aadan wax cunin ka dib.
- Ugu yaraan 30 daqiiqo ka dib, waa inaadan qaadan dawooyin kale, cunto ama cabitaan.
- Kiniiniga waa inaad ku liqdaa sidiisa kuna qaadataa wax ka badnayn 1/2 koob oo biyo ah.
Hadaad illowday inaad kiniinkaagii qaadato, waa inaad ka boodo qiyaastaas oo aad qaadato qiyaasta caadiga ah maalinta xigta. Waligaa ha qaadan kaniiniga laba jeer.
Jooji qaadashada daawada
Waa in aad ka nasato qaadashada daawada haddii aad isku aragto matag , xanuun, shuban ama neef qaadashada oo ku gu adkaato, ama haddii lagaaga shakiyo inaad fuuqbaxday.
Waxyeelooyinka suurtagalka ah
Waxyeellooyinka ugu caansan waa:
- shuban
- lalabo
- calool xanuun.
Khatarta sokorta dhiiga oo dhacda
Daawada GLP-1 weey yartahay in eey sokorta dhiiga hoos u rido, maadaama daawadu eeysan saamayn ku laheynsokorta dhiiga, marka ay tahay heerka caadiga ah (4-6 mmol/l).
Caawinaada aad helayso
Marka aad bilowdo daawaynta GLP-1, waxaa isbedelaya caawinaad qalabka cabirka sokorta dhiiga,. Taas macnaheedu waxa weeye in aad heli karto dhammaan qalabka cabiraada sokorta dhiiga aad u baahan tahay, sidoo kale cirbadaha qalinka GLP-1.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.