Gå til hovedindhold

Daawaynta hjertemagnyl - Behandling med hjertemagnyl

Sokorowgu wuxuu keeni karaa khatarta cudurada wadnanah ku dhaca, daawada Hjertemagnyl waxay ka hortagtaa xinjirowga dhiiga.

Warbixin kooban oo ku saabsan daawadan

Cudurka sokorta wuxuu keenaa cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Ku daawaynta hjertemagnyl waxay ka hortagtaa, in unugyada dhiiga ay isku guntaan xididada dhiiga ama ay is qabsadaan oo xinjiroobaan. Daawada waxay hoos u dhigtaa halista xinjirowga dhiigga. 

Sidaan u qaado daawaada hjertemagnyl

Hjertemagnyl waa kaniini yar oo aad ku liqayso biyo.  Waa inaad qaadataa maalinki hal kaniini.

Waxyeelooyinka suurtagalka ah  

Dadka intooda badan wax dhib ah kalama kulmaan daawada hjertemagnyl. Waxyeelooyinka caadi ahaan la socda daawadan:

  • inaad gaas ku yeelato caloosha
  • calool xaniin/xanuun
  • in dhiig bax imaan karo - tusaale ahan inaad.

Feejignaan

Haddii aad ilig iska saarayso ama qalitaan aad galayso, waa inaadan qaadan daawada hjertemagnyl. Kala hadal dhakhtarkaada, waxaad ka yeeli lahayd arinkaa.

Xiriir

Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00. 

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden