Warbixin kooban oo ku saabsan daawadan
Waxaa lagu siiyay NovoMix 30, sababtuna waa in jirkaaga ay dhib ku tahay isticmaalka insuliinta uu soo saaro, ama wuxuusan jirkaagu soo saari karin insuliin ku filan.
NovoMix 30 waa insuliin isku dhafan oo ka caawisa jirka hoos u dhigida sokorta dhiiga. Waxay ka kooban tahay 30 boqolkiiba insuliinta si degdeg ah u shaqeysa iyo 70 boqolkiiba Insuliinta tartiib tartiibta u shaqeysa.
Sidaan u qaado NovoMix 30
Waa inaad qaadaa NovoMix 30 cuntada ka hor wax yar, sida aad isku afgaraten daaweeyahaaga.
Waa muhiim inaad qalinka insuliinta si sax ah u qabato, labadaba markaad qalinka cusub bilaabayso iyo kaii horaba inta aadan isku durin insuliinta. Hoos ka eeg hagaha sawirka.
Markaad isticmaalayso qalinka insuliinta oo cusub
Insuliinta aad isticmalayso waa in heerkulkeedu u dhigmaa kan qolka oo kale, markaad isku mudayso. Sidaa daraadeed insuliinta waa inaad kasoo saartaa qaboojiyaha 24 saac ka hor intaadan isku mudiin.
Kahor duritaan kasta
- Qalinka u rog sidii qaanso oo kale, ilaa dareeruhu ka noqdo cadaan sida caano oo kale. Qalinka insuliinta waa inaan la ruxin.
- Haddii dareeruhu yeesho midab aan cadayn sida caanaha, iska tuur qalinka, oo mid cusubna isticmaal.
Ha qaadan NovoMix 30
Ha qaadan NovoMix 30 laakiin la xidhiidh dhakhtarkaaga haddii sokorta dhiigaagu ka hoos marto 4,0 mmol/l ama ay hoos ka marto nambarkii aad isku afgarateen adiga iyo daaweeyahaaga.
Waxyeelooyinka suurtagalka ah
Marka lagugu daaweeynayo insuliin, waxay kordhinaysaa khatarta ah in sokorta dhiigaagu hoos u dhacdo. Waxaad ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan sokorta dhiiga hooseysa buug yaraha SDCC ee 'sokorta dhiiga hoose (hypoglycaemia)'. Ka raadi cinwaanka www.sdcc.dk.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.