Gå til hovedindhold

Daaweynta DPP-4 joojiyaasha - Behandling med DPP-4-hæmmere

DPP-4-hæmmere waa daawo hoos u dhigaysa sokorta dhiiga, waxaana lagu daweeyaa nooca 2aad ee sokorowga.

Warbixin kooban oo ku saabsan daawayntan

DPP-4 joojoiyaha waxay hoos u dhigaan sokorta dhiiga, waxayna qayb ka yihiin daaweynta nooca 2 ee sokorowga. Waxay ka shaqeeyaan kordhinta nuxurka hoormoonka mindhicirka  GLP-1 ee dhiiga, kaasoo sare u qaado soo saarka insulinta jirka. Tani waxay keentaa in sokorta dhiiga hoos u dhacdo. DDP-4-waxaa laga soo gaabiyay eraygan  dipeptidyl peptidase-4 hæmmere.

DPP-4 joojiyaha marar  dhif ah ayaa lala xiriiriyaa in sokorta dhiiga hoos u dhacdo, laakiin  daaweyntan wax saamayn ah kuma laha sokorta dhiiga marka ay tahay  heerka caadiga ah (4-6 mmol/l).

Sidaan u qaado daawada DDP-4

Waa in aad qaadatid kaniiniga 1-2 jeer maalintii. Kiniiniga waa la qaadan karaa keligiis, ama waxaa lala qaadan karaa kaniiniyada kale ee loogu talagalay daawaynta nooca 2aad ee sokorowga ama daawada insuliintaba.

Jooji qaadashada daawada

Waa in aad ka nasato qaadashada daawada,  haddii aad isku aragto matag , xanuun, shuban ama neef qaadashada oo ku gu adkaato, ama haddii lagaaga shakiyo  inaad fuuqbaxday. Haddii ay dhacdo in aad xanuunsato iska cabir sokorta dhiigaada, haddi aad u baahatan, la xidhiidh dhakhtarkaada.

Waxyeelooyinka suurtagalka ah

Xaalado dhif ah, waxaa la arki kara waxyeelooyin sida:

  • calool xanuun
  • shuban
  • lalabo.

Waxyeelooyinkan inta badan waxay ku  baaba'aan  mudo gaaban ka dib.

Feejignow

Halista sokorta dhiiga oo hoos u dhacda way badan tahay,  hadii lagugu daaweynayo daawooyinka kale ee hoos u dhigaya sokorta dhiigaaga.

Xiriir

Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00. 

Redaktør
Klik for at scrolle op eller ned p� siden G� til toppen af siden