Warbixin kooban oo ku saabsan daawayntan
Metformin waa daawo hoos u dhigta sokorta dhiiga. Inta badan dadka qaba nooca 2- ee Sokorowga, waxay ku bilaabaan daweynta metformin, oo loo isticmaalo daawaynta nooca 2-aad ee xanuunka sokorta sanado badan.
Daawada metformin waxay u shaqeysaa inay kordhiso jirka insulin qaadashadiisa, sidaas darteed waxay kor u qaadaysaa wax qabadka insulinta jirkaada. Qaadashada daawada metformin saamayn kuma laha in miisaanka jirkaada kordho, aad ayayna u yar tahay in sokorta dhiiga hoos u dhacdo.
Sidaa u qaato metformin
Si aad uga fogaato calool xanuun iyo gaaska, qaado kiniinka (500 mg) subaxdii iyo fiidkii waqtiyada cuntada. Eeg sida shaxda hoose:
| | Subax | Habeen(fiidka) |
| 1 usbuuc | 0 kaniini | 1 kaniini |
| 2 usbuuc | 1 kaniini | 1 kaniini |
| 3 usbuuc | 1 kaniini | 2 kaniini |
| 4 usbuc iyo wixii ka danbe (qiyaa buuxda) | 2 kaniini | 2 kaniini |
Marka 4 usbuuc ka dib aad kor ugu kacdo qiyaasta buuxda, taas oo ah 4 kiniin, waad wadaysaa qaadashada 2 kaniini subaxii iyo 2 kaniini fiidkii. Qiyaasta buuxda waxay u dhigantaa 1 garaam oo metformin subaxdii iyo 1 garaam oo metformin ah fiidkii.
Waa inaadan qaadan metformin haddii:
Kala hadal dhakhtarkaada goorta aad joojinayso iyo goorta aad dib u bilaabayso, si loo ogaado natiijada baaritanka raajada ee kalyaha.
Waxyeelooyinka suurtagalka ah
Metformin waxay keeni kartaa waxyeelooyin kala duwan sida:
- rabitaanka cuntada oo yaraada
- lalabo
- matagid
- calool xanuun
- shuban.
Waxyeelooyinkan la socda daawada waxay badanaa dhacaan wax yar ka dib markaad bilowdo daaweynta. Sida badana waxay ku baaba'aan dhowr toddobaad gudahood.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.