Warbixin kooban oo ku saabsan daawaynta
Raga qaba xanuunka sokorta waxay halis dheeraad ah ugu jiraan inay la kulmaan dhibaatooyinka sokorowga waqti ka dib, waxaa ku adkaaga kacsiga ama inay galmo sameeyaan. Sababuhu way kala duwanaan karaan. Sidaa darteed, daawada PDE-5-hæmmere had iyo jeer ma shaqeeyso.
PDE-5-hæmmere waa daawo sababta in muruqa siman uu nasto. Waxay kaloo kordhisaa dhiiga ku shubmaya xubinta taranka ee raga.
Daawada PDE-5-hæmmere ma kordhiyaan, kama shaqeeyaan rabitaanka galmada, laakiin waxay taageeraan oo hagaajiyaan kacsiga dabiiciga ah. Galamada kadib xubinta taranka way yaraataa oo dabacdaa.
Dhibaatooyinka kacsiga iyo sokorta
Dhibaatooyinka kacsiga waxaa sidoo kale loo yaqaan 'erektil dysfunktion' ama 'ED'. Inta badan raga waxay ogaadaan marka ay da' noqdaan inay ku adkaato inay helaan ama joogteeyaan kacsiga, sidii ay awoodeen markii ay yaraayeen.
Marka ragu ay la kulmaan ED sababta oo ah xanuunkooda sokorta, waxay qaar ku dhacdaa (gaar ahaan raga qaba nooca 1-aad) da'da yar, sababtoo ah markay sokorta dhiigga sareysa, waxay saamayn ku yeelataa xididdada dhiiga yaryar iyo sahayda neerfaha, ee xubinta taranka ragga. Sidoo kale ragga da'da weyn qaar waxeey la kulmaan ED xanunka sokorta awgeed.
Raga qaba cudurka sokorta waxaa laga yaabaa inay la kulmaan shaqada jirka oo isbedesha sokorta awgeed, intaa waxaa dheer saamaynaha kale ee sokortu ku keento jirka oo dhan, sida wewelka, muqaalka jirka oo isbedela iyo dhibaato xidhiidhka lamaanaha, dhibaatooyinkan oo dhan waxay saamayn ku yeelanayaa in ninka sokorta qaba ku adkaato in uu helo ama joogteeyo kacsiga.
Magacyo iyo saamayn kala duwan
Daawada PDE-5-hæmmere waxay wataan magacyo kala duwan iyo saamayn kala duwan. Maadada daawada ku jirta waxay u shaqaysaa isku mid, laakiin saamaynta iyo waxyellooyinku waxay noqon karaan kuwo kala duwan, oo qof walba si kan kale ka duwan u saamaysa. Haddii mid ka mid ah noocyada daawooyinkan kala duwan saamayn kugu yeelan waydo, waxaad tijaabin kartaa nooc kale oo ka mid ah daawooyinka PDE-5-hæmmere.
| Magaca daawada | Maadada ku jirta | Qiyaasta | Inta ay kuu shaqaynayso |
| Viagra | Sildenafil | 25, 50 ama 100 mg | 4-5 saacadood |
| Cialis | Tadalafil | 5, 10 ama 20 mg | ilaa 36 saacadood |
| Spedra | Avanafil | 50, 100 ama 200 mg | Ilaa 17 saacadood |
| Vardenafil | Levitra | 5, 10 eller 20 mg | 4-5 saacadood |
Sidaa u qaado daawada PDE-5-hæmmere
- Qaado kiniinka 1⁄2-1 saac ka hor xiliga galmada. Saamaynta Cialis waa la kordhin karaa,haddii la qaato qiyaastii 2 saacadood ka hor.
- Kicinta galmadu waa lama huraan haddii daawaynta lagu guulaysanayo.
- Saamaynta Viagra iyo Vardenafil hoos ayay u dhacdaa, haddii aad la cunto kaniiniga cunto dufan badan leh
- Waxaa jiri kara/waxaa dhici karta saameyn isbedbedesha ee kiniiniga waqti ka waqti, waayo rabitaanka jinsiga waxaa saamayn ku leh waxyaabo badan oo kale.
- Saamaynta kiniinka lama diidi karo ilaa la tijaabiyo oo la isticmaalo si sax ah, ugu yaraan shan jeer.
- Daaawada PDE-5-hæmmere waa in aan la isticmaalin, hadaad isticmaasho daawada Nitrate sida nitroglycerin.
Waxyeelooyinka la socda daawadan
Dhibaatooyinka soo noqnoqda ee la socda daawadan, waxa ka mid ah madax-xanuun, jirka oo gudguduud yeesha, maqaarka iyo wajiga oo ku kululaada iyo sanka oo xidhma. Waxyeelooyinka, aan soo noqnoqan, ee kaniiniyada kala duwan ee dawadan wa isku mid inta badan.
Xiriir
Haddii aad su’aal qabto, ama shakisan tahay, kala soo xiriir Sygeplejerådgivningen tlf: 39 68 08 00 maalin walba saacadaha 08:00-16:00.